Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor oo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu berri ka furmo caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee ka socda dowlad goboleedyada ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in berri ay soo gaaraan caasimada dalka madaxweynayaasha kale ee ka socda dowlad goboleedyada Hirshabelle,Koofurgalbeed iyo Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More