Madaxweynaha Hirshabelle oo ku dhawaaqay howlgalo cusub oo ka dhan ah Alshabaab

Dec. 06 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta dib ugu laabtay caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo safar dhulka ah uga tegey magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay hawlgalo cusub oo ka bilaabanaya deegaanada Galbeedka Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle oo labadii sano ee uu maamulka Hirshabelle hayay markii ugu horeysay safar dhulka ah ku gaaray magaalada Jowhar siina maray deegaano bariga magaalada Jowhar ayaa ka hadlay hawlgalada cusub ee ka dhan ka ah Alshabaab.

“Dhammaan deegaanada Bari ka xiga wabiga Shabelle dowlad goboleedka Hirshabelle waa laga saaray Khawaarijta waxyar ayaana ka haray waxaana aan dhawaan bilaabaynaa hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta oo looga saarayo dhinaca Galbeed ee Hirshabelle,waxaana dhawaan aan tegeynaa deegaanada Buqaqable,Ceel-Cali iyo Gamboole oo aan ka xoreyn doonaa Khawaarijta.”ayuu yiri Cali Guudlawe.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa guul wayn oo taariikhi ah ku tilmaamay qabashada degmada Aadan yabaal oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka.
“Ciidankii howlgalka ka soo bilaabay balcad iyo kuwii ka soo bilaabay feerfeer waxa ay ka wadahowl galayaan Aadan Yabaal waa horumar dhab ah oo la gaaray.”

Waxa uu Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Xasan Sheekh Maxamuud dadaalka uu ku bixinayo sidii looga xoreyn lahaa Alshabaab guud ahaan dalka oo dhan.

Safarka dhulka ah ee uu Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen uga ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehelinayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan waxana uu soo maray degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceelle iyo deegaano ay ka mid ahaayeen Warciise iyo Qoordheere oo dhowaan lagala wareegay Alshabaab.Madaxweynaha Hirshabelle oo ku dhawaaqay howlgalo cusub oo ka dhan ah Alshabaab

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More