Madaxweynaha Hirshabelle oo Wasiir u magacaabay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magacaabay saddex Wasiir oo cusub oo kamid noqonaya Golahiisa Wasiirada, isagoo xilka qaadis ku sameeyay kuwo hore.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa xilka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle loogu magacaabay inuu nqodo xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Federalka, halka Wasiirka Biyaha iyo Tamarta laga dhigay Xil. Saalax Maxamed Xasan.

Sidoo kale Cali Guudlaawe ayaa Xil. Saadaq Salaad Warsame u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana Wasiirada cusub ay bedelayaan Wasiiradii hore ee xilalkaas haayay.
Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe ayaa horey wasiiro xilka uga qaaday, isagoo kuwo cusub magacaabay, xili Baarlamaanka Maamulkaas ay waqti dheeraad ah ugu dareen mudada uu kusoo magacaabayo Golihiisa Wasiirada cusub.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee kasoo baxday Guudlaawe.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More