Madaxweynaha Jubbaland Axmed oo goor dhow saxaafada la hadlaya

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu goordhow warbaahinta la hadli doono, isagoo ka warbixin doono marxalada uu shirka marayo iyo in weli la is mari la’yahay.

“Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee Dhuusamareeb”.ayaa lagu daabacay bogga facebook ee taleefishinka Jubbaland.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xal looga gaari waayay sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb waxaana lagu wadaa in uu shirka jaraa’id uu Axmed Madoobe ugaga hadlo arrimahaas.

Dowlada Federalka ayaa maamusha gobolka Gedo iyadoo Maamulka Jubbaland uu doonayo in la soo geliyo gacantiisa maamulka Gedo.

Dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay waxaa magaalada baledxaawo ee gobolka Gedo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More