Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Mareykanka oo ku kulmay Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horay ula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah Xubnaha sare ee Midowga Muaharixiinta, waxaana kulamadaas intooda badan looga hadlay khilaafka kajira Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada, kaas oo la filayo   in uu ka furmo Teendhada Afisooni ee Magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More