Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay xubno kamid ah Midowga Musharaxiinta

Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta iyagoo ka wadahadlay arrimaha siyaasada dalka.

Musharaxiinta uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre,Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdqaadir Cali Cosoble oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Kulamadan oo kala gaar gaar ah marka laga reebo Madaxweynayashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo si wadajir ah ula kulmay ayaa loogaga hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo dadaalka xal ka gaarista doorashada oo uu madaxweynaha Jubbaland u yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More