Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa soo gaaray magaalada caasimada ee Muqdisho, isaga oo ka qeyb galaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Shirkan oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa la sheegayaa inuu Sabtida u dhacay, arrimo farsamo awgeed iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ee ka qeyb galaya oo aan weli soo wada dhameystirmin, lana filayo kuwa dhiman in maanta illaa berri soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa xalay gaaray magaalada Muqdisho.

Saacadaha soo socdana waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha, Jubbaland, Puntland iyo Hir-Shabeelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More