Madaxweynaha Puntland oo Garowe kula kulmay Wafdi ka socda Beesha Caalamka

Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland, wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdigan ka socday Beesha Caalamka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Ergeyga Midowga Afrika, Ergeyga Midowga Yurub, IGAD iyo xubno kale.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaalada cakiran ee siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muran weyn uu ka taagan yahay Guddiga doorashooyinka

Puntland ayaa illaa hadda soo magacaabin Guddiga doorashada heer dowlad goboleed, inkastoo ay soo gudbisay Guddigii heer Federaal, balse waxaa muuqata inay ka biya diidan yihiin qaabka wax u socdaan.

Shirkan u socda labada dhinac ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro warbixin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More