Madaxweynaha Puntland oo isbedel ku sameeyay saraakiil ka tirsan ciidamada

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni isbedel loogu sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Maxamuud Silaal Cumar u magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada Badda Puntland, halka G/dhexe Warsame Axmed Shirwac uu u magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi ayaa loo magacaabay hoggaanka dembi-baarista (C.I.D) ee ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal, halka G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wajeejiyey Taliyaha Booliska gobolka Bari.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More