Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay warka ay dowlada ka soo saartay Shirkii Afisyone

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in qoraalka iyo muuqaalka dowladda sii deysay uu ahaa wax horay u diyaarsanaa, isagoo tilmaamay inay cadahay in dowladda aysan rabin shirka looga hadlayo sidii dalka doorasho loo wada dhan yahay loo qaban lahaa.

“Waxaa layaab leh maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase cadaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, Wasiirka maanta hadlay dabcan wuu nala joogay maanta dharka uu watay iyo kii codka ku qabtay kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, mas’uuliyadeeda cida howshaas qabatay ayaa qaadi doonta”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa wareysigan ku sheegay in ay diyaar u yihiin in wadahadalada ay sii socdaan lana gaaro heshiis soo afjara khilaafka doorashooyinka.

Halkan hoose ka dhagayso wareysiga Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More