Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho. Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole iyo dadweyne kale ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay.

Madaxweyne Deni ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa shirka Madasha Qaran ee lagu wado in berri uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirka Madasha oo hore loo qorsheeyay inuu furmo 20ka bishan oo shalay ku beegneyd ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii madaxweyne Deni iyo madaxweyne Guudlawe uu safarkooda dib u dhacay.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa lagu wadaa in uu berri soo gaaro caasimada dalka ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More