Madaxweynaha Soomaaliya oo si ka duwan qabkii Raysul wasaare Xamza uga hadlay dagaalka Gaza

Nov 11 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka hadlay fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga Falastiin iyo joojinta duqeymaha ka socoda Qasa.

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah xaban joojin loo sameeyo, iyo imaatinka gargaar bini’aadanimo si loo caawiyo kuwo nugul. Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo xalka labo-wadan sidii loo gaari lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay sida dowladda ay ula fal-galayso gobolka iyo Qaaradda, iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska Soomaaliya, In Al-shabaab lagala wareego deegaannada ay haystaan iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal fiican.

“Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda.”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More