Madaxweyne Cali Guudlaawe oo heysata Labo daran mid dooro!

Waxaa hadda shir u socdaa Madaxweynayaashii hore Shariif, Xasan Sheekh, Xildhibaan Cosoble iyo Madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen “Cali Guudlaawe.”

Shirkan ayaa lala xariirinayaa go’aankii Madaxweynaha Hirshabeele uu ku taageeray Qaraarkii Golaha Shacabka waqtigiisu dhamaaday uu muddo kordhin ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Go’aanka Cali Guudlaawe kula saftay Farmaajo ayaa ka careysiiyay madaxdaas ay isku haybta yihiin oo ah Musharaxiin iyo Madax hore, iyadoo xusid mudan tahay in madaxdan horay u taageereen doorashadiisa oo aanay ka hor imaan, iyagoo u arkayay nin qunyar socod ah, balse go’aankii habeen hore wuxuu ku noqday niyad jab Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ku heybta ah Madaxweyne Guudlaawe.

Shirkaan ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeeyay ee ay Madaxdii hore ay uga quusanayaan ama isku fahmayaan Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoo lakala ogaan doono midka uu dooran doono

Dhinaca kale Kulankii xalay dhex maray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Midowga Musharaxiinta ayuu u sheegay inuu isagu taageerin go’aankii Golaha shacabka, sidaas darteed looga baahan yahay Musharaxiinta inay Cali Guudlaawe la soo hadlaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More