Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay magaalada Garowe

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabtay caasimadda dowlad goboleedka Garoowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowadda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweyne Deni oo muddo lix iyo toban cisho ah ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More