Madaxweyne Deni oo maanta furaya kalfadhiga baarlamaanka Puntland

Jun. 15 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu furo kalfadhiga baarlamaanka Puntland oo mudooyinkii lasoo dhaafay xirnaa.

Sida horey u dhici jirtay fadhigan, ayaa noqda badnaaa kan dambeeya ee ay yeeshan golahan, maadaama mudo xileedkooda ku eg yahay December-sannadkan, laakiin hadda lama yaqaano jihada la aadi doono.

Sida wararku sheegayaan, madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu fadhigan ka jeediyo khudbadiisa sanadlaha ah, isagoo ka hadli doona arrimo kala duwan oo horyaala baarlamaanka, waxaa sidoo kale la filayaa inuu ka hadlo xiisada Laascaanood iyo muranka kala dhexeeya federaalka.

Arrimaha kale ee madaxweynaha laga sugayo inuu ka hadlo waxaa qeyb ka ah; 1- Soo jeedin katimi Xukuumadda oo horey guddoonku Guddi gaar ah ugu saaray oo la xariirta furida Dastuurka iyo In Xisbiyada laga dhigo, 2- Sharciga Doorashada xubnaha Golaha Wakiilada oo la xaqiijinayo in la dhameystiray, iyo 3-Waraaqo lagu sheegayo in xarunta baarlamaanka la weerarayo ayaa lagu daadiyey Garoowe, iyadoo ay jiraan wali ciidamo Xukuumada kasoo horjeeda oo kusugan magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More