Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray xarunta la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay magaalada Qardho.

Madaxweyne Deni ayaa soo dhaweeyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qabteen Wasaaraddaha arrimaha Beeraha iyo Deegaanka ee heer Federaal iyo heer Puntland iyo Hay’adda FAO.
Xaruntan laga hirgeliyay magaalada Qardho ayaa ah tan ugu weyn ee la dagaalanka Ayaxa guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka geeska Africa.

Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in xarunta Ayaxa ee Soomaaliya loogu magac daro Wasiirkii hore ee Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland AHUN Ismaciil Diiriye Gama’diid, oo isagu ah shakhsiga billaabay xiriirka lagu keenay xaruntan, wakhti geliyay isla markaana dhaggax dhigay dhismaha xarunta .

Munaasabadda furitaanka xarunta Ayaxa ee Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Beeraha iyo Deegaanka ee DFS iyo Dowladaha xubnaha Ka ah DFS, Madaxda Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Qardho iyo kan Gobolka Karkaar iyo Saraakiil Madaxtooyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More