Madaxweyne Xasan “Dalkeennu xaalad gaar ah ayuu ku suganyahay maanta”

Nov 30 (Jowhar.com)-Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xaaladda dalka ay marayso meel adag sababo la xiriira fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka El-nino oo ka da’ya qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh dadka fatahaaduhu saameyaan ayaa gaaraya sida qiyaastu tahay laba milyan iyo bar.

Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo guudahaan shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadka daadadka iyo fatahaaduhu saameyeen ee gobollada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More