Madaxweyne Xasan oo kormeeray xeryaha ciidamada ku tababaranaya Eritrea

Oct 09 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciidamada qaranka ee ku jira dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More