Madaxweyne Xasan oo ku amaanay Midowga Yurub taageerada ay u muujiyeen Soomaaliya

May 08 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Midowga Yurub ayaa kaga mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjireyaasha iyo mas’uuliyiinta kale ee Munaasabadda ka qayb galay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta Soomaaliya ammaan ah, xor ka ah Argagixisada, isku filan isla markaana ay ka qabsoomaan doorashooyin Dimuquraaddi ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More