Madaxweyne Xasan oo maanta furayo kalfadhigga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya

Nov 25 (Jowhar.com)-Waxaa goordhow Xarunta Villa Hargaysa ka furmaya kalfadhiga 4aad ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xildhibaanada ay haatan buux dhaafiyeen xarunta.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo kulanka, isagoo mudanayaasha u jeedin doona khudbadiisa dastuuriga ah.

Si weyn ayaa isha loogu hayaa fadhiyada golaha shacabka, waxaana jira guux siyaasadeed oo aad u culus marka ay timaado sida uu ku bilaabanayo hadda fadhiyada golaha.

Doodda siyaasadeed ee ugu weyn ayaa ah midda wax ka bedelka dastuurka oo madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in dalka laga dhigo nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen meeshana laga saaro nidaamka raiisul wasaaraha.

Dooddan waa mid aad u adag, Waxa ayna ku soo jeedin doonta Villa Soomaaliya indhaha Mucaaradka oo aad u furan xilligan iyo dood kale oo ka imaan doonto gudaha labada aqal ee baarlamaanka oo iyana isku aragti ka ahaan doonin dooddan adag ee ah mid muddo dheer korka laga dhayaayay oo aan marnna hoos loo dilaacin boogta hoose ee la xariirta dib u eegista dastuurka KMG-ka ah.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in saaxibada madaxweynaha xitaa aysan isku aragti ka eheyn dooddan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More