Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codsaday Golaha Ammaanka in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta hubka

June. 22 (Jowhar.com)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday in laga qaado dalka Soomaaliya cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay ergada Golaha Ammaank in haddii cunoqabataynta hubka laga qaado dalka Soomaaliya uu awood yeelanayo.

“Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena.”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh.

“”In kasta oo aanu ku tallaabsannay horumar la taaban karo, haddana geeddiga aanu ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya nabdoon oo barwaaqo ah waxa ku hor gudban caqabad adag oo ah cunaqabataynta hubka ee qarankeenna lagu soo rogay sanadkii 1992. Sidaasi awgeed, waxaan si cad hoosta uga xarriiqayaa in Soomaaliyada hadda (2023) aanay ahayn Soomaaliyadii shalay (1992).”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku xusay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay in uu yeesho ciidamo tayo iyo awood leh.

“Waxaan garoowsannahay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo awood leh, dhismo dowladeed oo loo dhan yahay iyo in dowladdu ay awood u yeelato bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka. Dowladdaydu waxay si dhab ah uga shaqeynaysaa arrimahaas oo dhan, si ay u gaarsiiso dalka nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbaddiisa jeedinayay.

Waxa uu sidoo kale khudbadiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ugaga hadlay dagaalada ay ciidamada dowlada la galeen ururka Alshabaab.

“Sannadkii la soo dhaafay laga xoreeyey gacmaha argagixisada in ka badan 70 deegaan, taas oo fududeysay isu socodka dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, gaar ahaan dhul-beereed ballaaran oo hodon ah.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor inta uusan khudbad u jeedin Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa uu kula kulmay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More