Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay magaalada Kampala

Dec 15 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la soo werinayaa in ay gaareen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay maanta ka dhacayso, munaasabad si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Soomaliya ayaa laga aqbalay inay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika ka dib shir madaxeedki 23-aad ee Madaxda dalalkaasi ku yeesheen Magaalad Carusha ee dalka Tansaaniya.

Geediga ku biirista dalladan EAC ayey Soomaaliya soo bilowday sanado ka hor, markii saddexaad ee ay codsatay ku biirista ururkaan ayaa la aqbalay ugu dambayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More