Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qaaraanka loo ururinayo dhulgariirka Turkiga iyo dagaalka Laascaanood

Feb. 17 (Jowhar.com-) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Fedreaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga iyo weliba dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlay Salaadda Jumcaha kadib Masjidka Madaxtooyada ayaa xusay in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay saaran tahay mas’uuliyad weyn si ugaga qeyb qaataan kaalmada laga geysanyo dadkii waxyeelada ka soo gaartay dhulgariirka ka dhacay dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo xusay in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay saarantahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan musiibadan ayaa ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha Turkiga ee musiibadu ku habsatay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood waxana uu sheegay inaysan raali ka ahayn dagaalka ka socda Laascaanood.

Dagaalka ayuu ku tilmaamay mid aan xal ahayn balse loo baahan yahay in la wadahadlo oo xabada la joojiyo .
“Somaliland waa dal Soomaali ka mid ah,kala go’o ma aaminsani,xoog kuma maquunineyno marwalba aan wadahadalno ayaan niraahnaa waana mid aan dooneyno in aan wadahadalno.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka ree Sool. Midnimo ayaan rabnaa dadka laguma colaadinkaro sida aan adinkaba la idinkugu colaadineynin aragtida gooni u goosadka. Walaalka midnimada doonayana waxaan u sheegayaa midnimada nabad ayaan ku rabnaa.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warkan ka soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya iyadoo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood uu sii xoogeysanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More