Madaxweyne Xasan Sheekh oo kula kulmay dalka Aljeeriya Madaxweynaha Masar Al-Sisi

Nov. 02 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-siisi.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa la iskula soo qaaday xiriirka labada dal iyo arrimaha siyaasada caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa dalka Masar waxa uu kala hadlay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada xoogga si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi oo ballan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More