Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxda dalalka Ethiopia,Burundi iyo Tanzania

Feb. 18 (Jowhar.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira kulamo uu la yeelanayo madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa ayaa kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay madaxda dalalka Itoobiya,Burundi iyo Tanzania.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abey Ahmed ayaa kulankoodii ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, iyaga oo isla meel dhigay dardar galinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.
Kulamadan ayay Madaxweyneyaashu ku dul istaageen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda iyagoo isla meel dhigay in la iska kaashado citirka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More