Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii bihii lasoo dhaafay uu safaro kala duwan ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Wafdiga uu horkacayo Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, Xildhibaano iyo xubno kale.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo bilihii la soo dhaafay ka hadlin siyaasada dalka ayaa munaasabad lagu soo dhoweynayo waxa ay ka socotaa magaalada Muqdisho isagoo halkaas qudbad ka jeedin doona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More