Madaxweynihii Sirilanka ee dalkiisa ka cararay oo is casilay

July 14 (Jowhar.com)-Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa ayaa warqad istiqaalad ah u gudbiyay afhayeenka baarlamaanka Sri Lanka, saacado kadib markii uu u baxsaday Singapore.

Ku dhawaaqista ayaa kicisay farxad ka dhacday caasimadda ganacsiga ee Colombo halkaas oo mudaaharaadayaashu ay isugu soo baxeen bannaanka madaxtooyada.

Rajapaksa wuxuu ku gudbiyay istiqaaladiisa email goor dambe oo Khamiista ah waxayna rasmi noqon doontaa Jimcaha, marka dukumeentiga si sharci ah loo xaqiijiyo,sida uu sheegay afhayeenka Baarlamaanka.

Madaxweynaha is casilay ee Rajapaksa ayaa Khamiistii ka degay Singapore ka dib markii uu ka soo cararay mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhashay dhaqaala xumada dalkiisa.

Waxa uu u safray dalka Singapore isaga oo raacay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Sucuudiga, sida uu sheegay qof xaaladda la socda.

Rajapaksa waxaa la socday xaaskiisa Ioma iyo labo ilaaladooda ah. Qof ka mid ah rakaabkii diyaaradda oo diiday in magaciisa la sheego ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Rajapaksa ay la kulmeen koox ilaalo ah,

waxaana la arkayay isaga oo ka sii baxaya agagaarka VIP-da garoonka oo ay la socdeen kolonyo baabuur madow ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Singapore ayaa xaqiijisay in Rajapaksa loo oggolaaday inuu galo magaalada, laakiin waxay ku adkaysatay inay ahayd booqasho gaar ah oo aan la siin magangalyo.

“Ma uusan weydiisan magangalyo, midna lama siin wax magangalyo. Singapore guud ahaan ma bixiso codsiyada magangalyada,” ayaa lagu yiri bayaan.

Go’aanka Rajapaksa ee Arbacadii ee ahaa inuu ka dhigo saaxiibkiis Raiisel wasaaraha Ranil Wickremesinghe ku-simaha madaxweynaha ayaa kiciyay mudaaharaadyo badan, iyadoo mudaaharaadayaashu ay xoog ku galeen baarlamaanka iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha iyagoo dalbanaya inuu is casilo.

Mudaaharaadyada looga soo horjeedo dhibaatada dhaqaale ayaa socday muddo bilo ah, waxayna gaareen heerkii ugu xumaa todobaadkii hore markii boqollaal kun oo qof ay la wareegeen dhismayaal dowladeed oo ku yaal magaalada Colombo, iyagoo ku eedeeyay qoyska awoodda badan ee Rajapaksa iyo xulafadooda sicir bararka, yaraanta agabka aasaasiga ah, iyo musuqmaasuqa.

Si kastaba ha ahaatee, goobihii caadiga ahaa ee mudaaharaadka ayaa ahaa kuwo deggan.Qaban qaabiyaasha mudaaharaadka ayaa u celiyay guryaha madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha gacanta dowladda fiidnimadii Khamiista.

Dawladdu waxay bandow ku soo rogtay Colombo laga bilaabo duhurkii (06:30 GMT) Khamiista ilaa subaxnimadii Jimcaha si looga hortago rabshado kale.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigtay gaadiid gaashaaman oo ay saaran yihiin askar dusha ka ilaalinaya waddooyinka magaalada.

Milatariga ayaa sheegay in ciidamada awood loo siiyay in ay awood u adeegsadaan ilaalinta dadka iyo hantida dadweynaha.

Balse Booliska ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay 84 kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyo dhexmaray booliska rabshadaha ka hortaga iyo dibadbaxayaal Arbacadii meel u dhow xarunta baarlamaanka iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyadoo dadku ay dalbanayeen in Madaxweynaha Rajapaksa iyo ra’iisul wasaaraha Wickremesinghe xukunka ka degaan.

Booliisku waxay sheegeen in ninka dhintay uu ahaa 26-jir mudaaharaadayay uuna geeriyooday ka dib markii uu ku dhaawacmay meel u dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha.Madaxweynihii Sirilanka ee dalkiisa ka cararay oo is casilay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More