Mahad Salaad oo maanta baneynaya NISA iyo taliye cusub oo la magacaabayo

Apr 04 (Jowhar.com)-Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya (NISA) Mahad Salaad ayaa maanta baneynaya xilka ninka ugu sareeya Sirdoonka dalka.

Sida xogaha ay muujinayaan, Mahad Salaad ayaa gudbiyay warqadiisa Iscasilaada, iyadoo shirka maanta ee golaha wasiirada lagu shaacin doono shaqsiga cusub ee NISA maamulaya.

Wararka suuqa ku jira ayaa tilmaamaya in C/llaahi Sanbaloolshe loo magacaabayo xilkan, kaasoo laba jeer oo hore usoo qabtay jagadan.

Mahad Salaad oo xafiiska fadhiyay 1 sand iyo 11 bilood ayaa isu diyaarinaya doorashada madaxtinimo ee Galmudug oo sida qorshuhu yahay dhaceysa dhamaadka sanadan.

Taliye Mahad ayaa maalmihii lasoo dhaafay macasalaameeyay hay’ada iyo saraakiisheeda, isagoo mudooyinkan socod aan lasii ogeyn ku tagayay goobaha ay dad weynaha isugu yimaadaan iyo baraha ciidamada amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More