Mahdi Guuleed;”Doorashada Aqalka Sare Somaliland waxaa la qabanayaa Toddobaadka soo socda”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in toddobaadka soo socda la bilaabi doono doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland).

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa warkan sheegay kadib markii maanta uu Ra’iisul Wasaare Rooble kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi uu la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi , Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Kulankan ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday Mas’uuliyiinta Gobolada Waqooyi iyo Guddiga doorashada inay dardar geliyaan doorashada Aqalka Sare, si daah furan loo qabto.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhawaan waxaa la shaaciyay in ay ku eg tahay qabashadeeda 18ka bishan oo hadda ay ka dhiman tahay lix cisho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More