Mala gaaray xilligii lala xisaabtami lahaa Shirkadda Al Beyrak ee maamusha Dekeda Muqdisho?

Dekeda Muqdisho waxaa Shirkadda Al Beyrak lagu wareejiyay 21 September 2014, waxaa bilo kaddib u buuxsamaya Todobo sano.

Mudada heshiiska waa 20 sano. dakhliga ka soo xarooda waxaa loo qeybsanayaa sidan 55% dowladda Soomaaliya iyo Al Beyrak oo leh 45%

Heshiiska wuxuu xaq u siinayaa Shirkadda Al Beyrak maamulida, casriyeynta iyo ballaarinta Dekeda.

Shirkadda Al Beyrak lixda sano ee ay maamuleysay Dekeda wax weyn oo ay ku soo kordhisay ma muuqato, haddii ay tahay ballaarin, carro bixin iyo qalabka dejinta oo aad loogu baahi qabo.

Waxaa qaarkood fariistay Tag Boat oo loogu tala galay inay Maraakiibta soo jiidaan oo ay dowladda Jabuuti horay ugu deeqday Dowladda Soomaaliya.

Qalabka dejinta maraakiibta sida wiishashka iyo Forklift ayaa dhibaatooyin lagu qabaa, waxa kaliya shaqeeya wiishash dowladda Qatar ugu deeqday Soomaaliya, halka laga rabay Al Beyrak inay qalab cusub la timaado Dekeda.

Mudadii lixda sano ee Al Beyrak maamuleysay Dekeda waxaa lagu soo kordhiyay waa Darbi lagu wareejiyay xeyndaabka Dekeda, taasoo qarashkeeda ay bixisay dowladda Soomaaliya

Dhibaato kala duwan ayay shaqaalaha Soomaalida ku qabaan, haddii ay tahay dhinaca xuquuqda xaga Mushaarka, caafimaadka iyo fasaxa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More