Mali oo dalbatay in si deg deg ah dalkeeda looga saaro ciidamada Qaramada Midoobe

June. 29 (Jowhar.com)-Waxaa xarunta Qaramada Midoobay ka socda dood la xiriirta in la sameeyo waqti ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta ah ay kaga baxaan dalka Mali, iyadoo dowladda Bamako ay dooneyso in aan dib loo dhigin ka bixista ciidankaasi ee dalkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mali Abdoulaye Diop ayaa canbaareeyey waxa uu ugu yeeray guuldarrada howlgalka nabad-iaalinta QM, isaga oo fadhi ay lahaayeen Golaha Ammaanka si lama filaan ah uga jeediyay dalab ah in ciidamadaasi ay si degdeg ah uga baxaan Mali.

Howlgalka Nabad Ilaalinta ee loo yaqaan Minusma oo ah kii ugu qaalisanaa ee QM oo ay sanadkii ku baxaysay lacag dhan $1.2 billion oo dollar, ayaa hadda u muuqda in uu meesha ka baxayo iyadoo Mali oo la tacaaleysa kooxaha Jihaadiyiinta ahna ay wajihi doonto xaalad aan la ogeyn waqtigan.

Horraantii June ayuu Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka hadlay sii joogista ciidanka QM ee Mali, iyadoo ay guud ahaan gobolka sii kordhayaan cabsida ah inay sii kordhayaan khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah haddii ay ciidanka QM baxaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More