Maraykanka oo kordhiyay lacagihii dul saarneyd Madaxda Alshabaab

Nov. 14 (Jowhar.com) -Xukuumada Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xogta la xiriirta halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed.

Qoraal ka soo baxay Wasarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in illaa $10 milyan la gaarsiiyay abaal-marinta la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa.

Sidoo kale Maraykanka ayaa doonaya inuu lacago abaalmarin ah ku bixiyo xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda Al-Shabaab.

Iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Axmed Diiriye oo ahaa amiirka Al-Shabaab tan iyo bishii September 2014 ayaa liiska argagixisada caalamiga ee Mareykanka (SDGT) lagu daray April 21, 2015.

Mahad Karate ayaa isna liiska lagu daray isla April 21, 2015. Mahad Karate waa amiir ku-xigeenka ama amiir ku-xigeenka dadban ee Al-Shabaab, wuxuuna weli hoggaamiyaa qaar ka mid ah howlgallada Al-Shabaab.

Jehad Mostafa oo ah muwaadin Mareykan ah ayaa Bishii December 2019, maxkamad federaal oo Mareykan ah kusoo oogtay dacwado ay ka mid yihiin inuu ka shaqeeyey taageero siinta qalab ee argagixisada iyo Al-Shabaab. FBI-da Mareykanka ayaa qiimeysay in Mostafa uu yahay aragagixiyaha ugu darajada sarreeya ee haysta dhalasho Mareykan ah ee dibedda ka dagaalamaya.Maraykanka oo kordhiyay lacagihii dul saarneyd Madaxda Alshabaab

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More