Mas’uul ka tirsan gobolka Sh.hoose oo lagu dilay magaalada Muqdisho

July. 19 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saaka degmada Xamat Jajab loogu geystay mas’uul ka tirsanaa gobolka Sh.hoose.

Sida wararku tilmaamayaan, guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow ayey kooxo hubeysan ku dileen nawaaxiga isgoyska Ceelgaabta oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in marxuumka rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, isagoo isla goobta ku gereriyooday, meydkiisa ayaa daqiiqado badan yaalay halka dilka uu ka dhacay.

Mid kamida qoyskiisa oo warbaahinta gudaha la hadlay waxa uu dowladda ka codsaday ineu cadaalad horkeento kooxihii ka danbeeyay toogashadan.

Ciidamo boolis ah oo dilka kadib gaaray isgoyska Ceelgaabta ayaa sameeyay howlgal, iyagoo ku fashilmay soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha dilkaasi geystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More