Maxaa ka jiro in heshiis xabad joojin ah laga gaaray dagaalka Israel iyo Xamaas?

Oct 16 (Jowhar.com)-Masar, Israa’iil iyo Mareykanka ayaa lagu warramaya inay gaareen heshiis xabbad-joojin kumeel-gaar ah oo billaabanaysa 9-ka subaxnimo, sida ay sheegtay Reuters oo xigatay labo Ilo amni oo Masaari ah.

Xamaas, ayaa dhankeeda sheegtay inaysan war u hayn heshiiskaa oo la filayo inuu suuragaliyo gargaarkii u horreeya oo la soo gaarsiiyo Qaza, balse waxa ay dooneyso Israa’iil ayaa ah in gargaarka lagu ekeeyo kaliya koonfurta Qaza oo isla xabbad-joojinta ay doonayaan inay ka dhaqangeliyaan.

Safaaradda Mareykanka ee Israa’iil ayaa sheegtay surtagalnimada 9-ka subaxnimo ee Isniinta maanta in la furi doono xadka Rafah ee Masar iyo Qaza, wallow la sheegay inay marxada halkaa ka jirta aysan caddeyn oo isbed-beddel uu ku dhici karo.

Boqollaal gaadiid oo u sida gurmad Qaza, ayaa halkaa ku sugan maalmo, halka boqollaal ajaaniib iyo falastiini jinsiyado kale heysta ay doonayaan inay ka gudbaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More