Maxamed C/risaaq “Eryid ma ahan waxa aan ku sameynay Safiirka Kenya”

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa ka warbixiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ugu yeertay safiirkii u joogay Nairobi, halka Safiirkii Kenya ee Muqdisho joogay ku wargelisay inuu dalkiisa aado.

Wareysi uu siiyay idaacadda VOA ayuu ku sheegay in tallaabada ay qaadeen aanay aheyn eryid la eryay safiirka Kenya, balse ay tahay nidaamka diblomaasiyadda ee dalalka qaarkood sameeyaan, marka ay jiraan arrimo xasaasi iyo tabashooyin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in aanay Soomaaliya aheyn dalkii u horeysay tallaabadaas qaada, balse Kenya ay sidan oo kale ay sameysay sanadkii hore, safiirkeedii u yeeratay.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay in muddo ah culeys ku heysay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo madaxda dowlad goboleedyada faragelin toosn arrimaha doorashooyinka oo ah arrimo gudaha, dalna aan loo baahneyn in dal kale ku xadgudbo.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aanay jirin warqad rasmi ah oo ay ka heshay dowladda Soomaaliya ee ay Safiirkeedii u joogay Muqdisho ku wargelisay inuu dalkiisa ku wadatashi ugu laabto,halka loo yeeray safiirkii Soomaaliay ee joogay Nairobi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More