Maxamed Ibraahim Macalimuu oo loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka

Feb 27 (Jowhar.com) Maxamed Ibraahim Macalimuu Afhayeenka xukuumada federalka ayaa ku guuleystay kursiga Xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay #Hop068 oo maanta doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Beledweyne.
Macalimuu oo bartimihii bishii hore ku dhaawacmay qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho ayaa ka soo laabtay dhowr maalmood kahor dalka Turkiga halkaas oo lagu daweynayay.

Hase yeeshee waxaa uu kursigan ku guuleystey isagoo ay ka sii muuqdaan dhaawadcyadii ka soo gaaray qaraxa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More