Maxkamada Ciidamada oo xabsi daa’in ku xukuntay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday laba Nin oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab kana qeyb qaateen weeraro.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo caan kaga ahaa Alshabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan in ay ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaadka iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

War kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in March Sanadkan ay labada Eedeysane ka soo qabteen ciidamada xoogga dalka deegaanka Bacaadweyn oo kamid ah goobaha sida wayn ugu dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April, xilligaasi oo ay xeer ilaalinta codsatay in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdullaahi Cabdiraxmaan uu Al-Shabaab kaga biiray Xudur 2016, waxaa loo diyaariyay in uu Daweeyo dhaawacyada Al-Shababa, isaga oo ka shaqeeyay Ceel Cadow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose,

Isaga oo u safaryo sidii uu u dabiibi lahaa dhaawacyo Alshabaab ka gaaray Bacaadweyn oo la geeyay xilligaasi Camaara ayay waddada isku heleen Military-ga Soomaaliya is rasaaseyn kadib isaga ayaa la qabtay isaga oo dhaawac ah ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Maxamed Xasan Abuukar, waxa uu Alshabaab kaga biiray Baay 2018, Hiiraan ayuu tababar ku qaatay, waxaana isla xilligaasi lagu wareejiyay Tuulada Caad oo mudug ka tirsan si’uu uga mid noqday Xubno Shabaab ah oo mararka qaar weerar qarsoodi ah u tegi jiray qaybaha kale ee Gobalka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Bacaadweyn ka dhacay ayuu ku dhaawacmay, waxa ayna Ciidamada Xoogga Dalka ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista.

April bartamaheedii ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay in loo fariista Dacwadda ka dhanka ah labada Eedeysane 19 April Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka codsaday labada Eedeysane in loo Ciqaabo dambiga ay galeen Maadaama Ciidamada Amniga ay kala hor tageen hub wax dila balse ay Ciidamada doorteen in la mariyo Nidaamka Cadaaladda.

Qareenada u dooday labada Eedeysane ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama aysan ka dhalan khasaaro weeraradii ay qaybta ka ahaayeen isla markaan ay iyga dhaawacya ka soo gaareen.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More