Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridey askar ka dambeysay dilka Wiil iyo Gabar walaalo ah

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa ay xukun ku riday maanta laba askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaas oo 2dii Bishii December ee sanadkii dhamaaday ee 2021 ku dishey agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho wiil & gabar walaalo ahaa.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) lagu xukumay dil toogasho ah halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.

Goobta Maxkamadda oo ay ku sugnaayeen Ehelada Sakariya Maxamuud Xasan iyo Sowdo Maxamuud Xasan iyo labada Askari ayaa lagu soo bandhigay baaritaan la xiriira sida falka uu u dhacay, waxaana la sheegay in rasaasta ay ku geeriyoodeen Sakariya & Sowdo uu riday Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) halka Dable Dayax uu riday laba xabadood balse aysan cid waxba ku noqon.

Dacwadan kiiska dilka labada walaalo oo muddo soo socotay ayaa ugu dambeyntii cadaalad helay, kadib markii ehelada marxuumiinta ay wacad ku mareen inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More