Maxkamada gobolka Banaadir oo aan wali sii deynin mas’uuliyiintii dambiga lagu waayay

Sep 30 (Jowhar.com)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Khamiistii xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

Raggan oo isugu jiray, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa 5 kamid ah oo danbi lagu waayay la amray in lasii daayo, halka 6-da kalena oo la xukumay dib loogu celiyay xabsiga.

Arrinta la yaabka leh ayase a ah in wali aan lasii deynin xubnihii xoriyadooda la amray in dib loogu celiyo maadaama lagu waayay dhamaan eedihii loo heystay.

Xubnaha wali aan xoriyadooda helin waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay.

Sida xogaha aynu ku helnay, Guddoomiyaha Maxkamadda Saalax Dabbaan ayaa Khamiistii wuxuu sheegay inuu xanuunsanahyay warqadda dib u celinta xoriyada mas’uuliyiintanna uu qorayo Sabtida Maanta ah, taasoo ilaa iyo haatan aan wax war ah laga heynin.

Abuukaate Dudaaye oo ahaa qqreenka xubnahan ayaa codsi sharci ah saaka u diray maxkamada gobolka Banaadir, taasoo ku aadan in lasii daayo, sida warqadan ku xusan Way qabteen laakiin kama aysan soo jawaabin, isagoo sheegay in xitaa ay sharci daro eheyd in habeenkii Jimcaha ay xabsiga ku hoydaan

Wararka qaar ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka kala tirsan xukuumada, xafiiska hanti-dhowrka iyo hay’adaha garsoorka aysan ku qancin xukunka maxkamada, iyagoo wada olole dib loogu furayo dacwado Shantan xubnood, iyagoo isku dayaya iney racfaan ka qaataan xukunkii maxkamadda.

Waxaa jira cadaadisyo la saarayo gudooniyaha maxkamada iyo xafiiska xeer ilaalinta oo ku aadan in dib loo dhigo sii deynta raggan Shanta ah ee dambiyada lagu waayay, iyadoo aan la ogeyn talaabada xigta oo ay qaadi doonto dowladda.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isugu horay u iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah musuqa ayaa u sheegay in cid kasta oo lagu helo dambi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ciddii lagu waayana la abaal marin doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More