Maxkamada sare ee ciidamadda oo xukun dil ah ku riday Anas iyo Aadan

Sep 30 (Jowhar.com)- Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku riday laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo loo heysto dilal ay hore u geysteen.

Labadan xubnood oo kala ah Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ Macalin (Iidow) ayaa loo heystaa dilal ay ka geysteen magaalada Gaalkacyo, waxeyna maxkamada sheegtay in dadka ay dileen ay ku jireen dad soo oogay salaada.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sidaย  Janaraal Liibaan Cali Yarow oo xukunkan ku dhawaaqay ayaa dhinaca kale ku goodiyay in xubnaha Shabaab ay sidaasi si lamida cadaalada loo horkeeni doono, hadii aysan ka waantoobin ficilada guracan ay sameynayaan.

Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa hore ugu xukuntay Dil May 22-keedii Sanadkan. Anas iyo Aadan waxaa kamid ah Dadkii nolosha ay dhaafiyeen Cilmi Caliย  Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad & ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ Jaamacad ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More