Meydadka labo ruux oo lagu arkay duleedka magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in lagu arkay barqanimadii maanta duleedka Koofur Bari ee magaalada Jowhar labo ruux oo meyd ah.

Meydadkan oo lagu arkay meel u dhexeysa deegaanka Raqayle iyo Bayaxow ayaa waxaa ka muuqda dhaawacyo mindiyo oo loo geystey.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in meydadka la soo gaarsiiyay saldhigga booliska degmada Jowhar iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda cid aqoonsatay sida ay sheegeen mas’uuliyiinka tirsan maamulka degmada Jowhar.

Arrintan ayaa ah mid ku cusub magaalada Jowhar iyo nawaaxeeda waxaana ciidamada booliska ay bilaabeen baaritaan la xiriira sidii lagu ogaan lahaa ciddii ka dambeysay dilkan foosha xun.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More