Midowga Afrika oo cambaareeyay Muddo Kororsiga Golaha Shacabka iyo Farmaajo

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa kulan ay maanta ka yeesheen arrimaha soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob ayaa waxay midowga Afrika cambaareeyeen go’aankii golaha shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen madaxwayne Farmaajo.

“Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa tallaabadii halka dhinac ahayd ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, taasi oo ku saabsanaa meel marinta qaraar uu saxiixay Madaxweynaha 13kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya”ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la magacaabo ergay gaar ah oo ka socda midowga Afrika islamarkana dhinacyada Soomaalida ka caawiya sidii heshiis looga gaari lahaa ismari-waaga ka taagan doorashooyiinka.

Ergaygaa yay golahu waxay ku buuriyeen in muudo 4 toddobaad gudahood ah uu ugu soo gudbiyo guulaha laga gaaro qabashada doorashooyiinka Soomaaliya.

“Sidaas awgeed waxaan ka codsanaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu si deg deg ah ugu magacaabo una diro Soomaaliya, ergay gaar ah, si uu ula shaqeeyo dhinacyada iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso, si loo gaaro heshiis wadar-oggol ah, iyo in muddo 4 toodobaad ah uu warbixin ugu soo gudbiyo golaha”ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Golaha nabaddda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa sidoo kale ka codsaday in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ammaanka Soomalaiya.

Gudoomiyaha midowga Afrika ayaa dhanka kale golahu, waxay ka codsadeen, inuu si deg deg ah u isugu yeero shir loo qabanayo wadamada ay ciidamada ka joogaan soomaaliya si looga baaraandago saameynta amni ee ay keeni karto ismari-waaga siyaasadeed loogana tashado khiyaarada u furan ee lagu xalin karo ama hoos loogu dhigi karo.

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in wadahadalo kasta oo doorashada ku saabsan ay gundhig u noqoto heshiiskii 17 September ay gaareen dowladda fedaraalka iyo maamul goboleedyada.

Midowga Afrika waxay sidoo kale uga digeen dhinacyada siyaasadda isku haya inay ku kacaan ficilo xiisadda uga sii dari kara.

“Waxaa loogu baaqayaa dhammaan hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya inay is xakameeyaan oo ay ka waantoobaan ficil kasta oo keeni kara xiisad oo sii kororta taasi oo minjaxaabin karta xasiloonida Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda” qaaradda ayaa lagu yiri bayaanka.

Hadalka golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay horey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uga soo horjeedsadeen muddo kordhinta ay baarlamaanka u sameeyeen madaxwayne Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More