Midowga Musharaxiinta oo dalbaday inay ka qeybgalaan Shirka Arrimaha Doorashooyinka

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayuu ku sheegay in wadahadalada arrimaha doorashooyinka ay tahay inay ka qeybgalaan musharaxiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in musharixiinta ay doonayaan in ay ka qeyb galaan Shirka beri, iyagoona si rasmi ah u sheegay in taageersan yihiin qaban qaabada uu wado R/wasaare Rooble.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlayay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirka madaxda uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep, sidoo kalena looga wada hadli doono xalinta ismari waagga ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya

Afhayeenka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shirka ay ka soo qeyb geli doonaan Madaxda dowlad Goboleedyada, isagoona sheegay in ay muhiim tahay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu hoggaamiyo shirka beri ka furmaya magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa sheegay in musharixiinta rajo wanaagsan ay ka qabaan inuu natiijo wanaagsan ka baxo shirka beri ka furmaya magaalada Muqdishi

Maalinta beri ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shir uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul wasaare Rooble, kaasi oo looga hadli doono xalinta muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More