Midowga Musharaxiinta oo ka digey in farogelin lagu sameeyo Guddiga Doorashooyinka

Mar 16 (Jowhar.com) -Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedyada inay faraha kala baxaan howlaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal, isla markaana howshooda ay ku egtahay fududeynta doorashooyinka deegaanadooda.

Midowga Musharaxiinta ayaa adkeeyay in la dhowro qodobka 66aad ee dastuurka, lana raaco soo jireenka doorashooyinkii 2016/2017 ee ku aadan Mas’uuliyadda FEIT ee la xiriira waqtiyeynta dhameystirka howlaha doorashooyinka.

Qoraalkan ayuu soo saaray Golaha Midowga Musharaxiinta kadib markii maamulada Galmudug iyo Koofurgalbeed ay ka soo horjeesteen warqad ka soo baxday gudiga doorashooyinka oo lagu shaaciyay xilliga ugu dambeeyo ee la dhaarinayo xildhibaanada golaha shacabka ee la doortay.

Halkan hoose ka aqriso Qoraalka uu soo saaray Midowga Musharaxiinta;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More