Midowga Musharaxiinta oo ka tacsiyeeyay geerida Cali Mahdi Maxamed

Midowga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka uu ahaa hoggaamiye ku sifoobay nabadoonimo, dadaal badan ku bixiyay in Soomaaliya ay hagaagto.
Qoraal kasoo baxay Shariif ayaa sidaan u qornaa:

INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey.

Wuxuu dalka u soo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More