Midowga Musharaxiinta oo ku dhowaaqay in dib loo dhigey banaanbaxii Muqdisho

Midowga Musharraxiinta ayaa shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii lagu ballansana in uu maalinta berri ah ka dhaco Daljirka Daahsoon.

Sababaha keenay in banaanbaxa dib loo dhigo ayaa la xariira arrimo amni iyo xaaladda Caafimaad ee waddanka ka jirta

Madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Sh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay go’aanka dib u dhigista banaanbaxa, waxaana uu sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan maalinta banaanbaxa.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay gaareen sidaas darteed aan lagu aamin karin xaaladda dalka iyo ammaanka banaanbaxayasha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More