Midowga Musharaxiinta oo si kulul u cambaareeyay weerarada lagu qaaday Musharaxiinta

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii lagu qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.

War Saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday hoyga musharaxiinta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Gorgor oo ay hubeysay dowlada Turkiga mushaarkana siiso,sidoo kalana Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasiin uu hub ay soo siiyeen cidamada AMISOM.

Midowga Musharaxiinta ayaa ka digey in ciidamada loo adeegsado siyaasadda lagana weeciyo la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More