Midowga Yurub oo hanjabaad culus u jeediyay Madaxda Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa si adag uga hadlay xaaladaha is mariwaaga siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya iyadoo qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub digniin cad lagu qeexay.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell ayaa waxaa lagu sheegay in kuwa curyaaminaya wadahadalada ama isku dayaya inay adeegsadaan qalalaaso ay la kulmi doonaan cawaaqibka ka dhasha tallaabada ay qaadeen.

“Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay u baahan yihiin inay helaan tanaasul horseedaya geeddi-socod doorasho oo deg-deg ah iyo in si nabad ah xukunka lagu wareejiyo, iyadoo loo marayo hirgelinta heshiiskii Sebtember 17. Heshiis la’aanta hadda jirta waxay si weyn u daahineysaa xawaaraha isbeddelada sida degdegga ah loogu baahan yahay, taasoo ku jirta danta muwaadiniinta Soomaaliyeed.”ayuu lagu yiri qoraalka.

“Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa naftooda ku ceebeeya inay metelaan muwaadiniintooda. Kuwa wax u dhimaya wada hadalka ama adeegsiga rabshadaha waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin, waxayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficilladooda.”ayaa

Ugu dambeyntii waxaa qoraalka baaq loogu direy madaxda dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada.

“Madaxda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah Soomaaliya waa inay xushmeeyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ma jiro wax beddel ah, geedi socod dhinac ah ama qayb ahaan ah oo heli doona taageeradeenna.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub.

Digniintan ka baxday Midowga Yurub ayaa ku soo beegmeysa xili qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ay diidan yihiin iney ka qeyb galaan shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Dowlada Federalka iyo dowlad goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More