Mike Hammer oo loo magacaabay ergeyga cusub ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika

June 01 (Jowhar.com)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa u magacaabay Mike Hammer Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa, kaas oo bedeli doonaan Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April.

Antony Blinken ayaa waxa uu rajo ka muujiyay in Danjire Mike Hammer in dadaal iyo aragtiyo cusub ku soo kordhiyo dadaalada Geeska Afrika isagoo sidoo kale u mahadceliyay ergeygii hore Geeska Afrika.

Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud, iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya.

Ergeyga hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagay, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar uu lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More