Morocco oo safiirkeeda kala baxday Sweden kadib gubistii Kitaabka Qur’aanka

June. 29 (Jowhar.com)-Marocco ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden, iyadoo uu maqnaan doono muddo aan la cayimin kadib markii Arbacadii uu nin kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku jeexjeexay dabna ku qabadsiiyay bannaanka masaajid ku yaalla bartamaha Stockholm, warkaasina waxaa faafisay wakaaladda wararka ee dawladda Marooko.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Morocco ayaa sidoo kale Arbacadii shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden ee Rabat, ayadoo u muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin” sida ay wakaaladda wararku ku tiri qoraalka ay faafisay.

Dhacdadan lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayaa halis gelineysa inay ka careysiiso Turkiga oo diidan codsiga ay Sweden ku dooneyso in ay xubin kaga noqoto gaashaanbuurta NATO, maadaama booliiska Sweden ay oggolaanshiyo siiyeen in la qabto mudaaharaadka lagu gubay kitaabka.

Booliiska ayaa markii dambe ninkan kusoo oogay dacwad ah inuu ku kacay fal ka dhan ah qowmiyad ama kooxo gaar ah.

Mudaaharaadyo is daba joog ah oo ka dhacay Sweden oo looga soo horjeedo Islaamka, laguna doonayo xuquuqda Kurdiyiinta ayaa ka careysiiyay Ankara, iyadoo Sweden ay u baahan tahay taageerada Ankara si ay uga mid noqoto xulufada NATO.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More